top of page

SIEV Oo Kulan U Qabanqaabisay Waalidiinta

A.Kadar Nuur

16. Dez. 2022

SIEV ayaa waalidiinta u abaabushay kulan ku saabsan waxa caawiya waalidiinta sida loola tacaalo caqabadaha iyo xaaladaha stress ka leh

Bulshadeenna Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkan Switzerland waxay aad u daneynayaan in la helo qoysas dhisan oo shaqeeya iyo qaab-dhismeed wanaagsan, si ugu yaraan culayska oga yaraado  maamulka dawladda qeybta qaabilsan qoysaska. Qodobka ugu muhiimsan ee arinkan maaha mid ku saabsan noocyada kala duwan ee qoyska ee lagu dhaqmo,  sida hooyo kaligeed ah ama aabbe kaliees ah ee caruuta la tacaalaya ama qoys dhamys tiran ee arintan waxay la xariirtaa in  in qoysku uu awood u leeyahay  sida ugu macquulsan in uu u xaliyo caqabadaha iyo xaaladaha walaaca ama stresska " iyo sidoo kale inuu si habboon u shaqeeyo iyo in ladnaanta ilmaha iyo mustaqbalkooda si weyn loogu dadaalo.

 

Caadiyan nolol maalmeedka carruurta iyo dhalinyarada waxaa had iyo jeer la socda xaalado walaac leh ama stress . Carruurta iyo dadka waaweyni ee qurba waxay u muuqdaan kuwo cariiri dareemaya taasoo keenaya dulqaadka oo yaraada.

 

Dadka waaweyni waxay caruurka ka rabaan nidaam badan, caawinaad badan oo guriga ah, waqti badan iyo isku hallayn. Carruurtu waxay leeyihiin rabitaanno mararka qaarkood khilaafaya kuwa dadka waaweyn. Dhammaan kiisaskan ayaa ah kuwo walaac (stress) ku haya waalidiinta, sidaas darteed ururka is-dhexgalka iyo horumarinta Soomaaliyeed ee magaciisa loo soo gaabsho (SIEV) ayaa soo qabanqaabiyay munaasabad waalidiinta looga wacyigelinayo xaaladahan oo kale.

 

Ujeedada dhacdada waxay ahayd Muxuu ilmuhu u baahan yahay si uu awood ugu yeesho inuu si habboon u kobco garasho ahaan, bulsho ahaan, dareen ahaan iyo jidh ahaanba? Waa maxay hawlaha iyo

Markaa waalidka waxaa saaran mas'uuliyad. Sidee waalidku ula tacaali karaan marka caqabadaha iyo xaaladaha walaaca ahi yimaadaan.

 

Illaa 20 Hooyooyin ah ayaa ka qeyb galay Munaasabadan, waxaana la isku weydaarsaday fikrado iyo waaya aragnimo. Qaar badan oo ka mid ah hooyooyinkan ayaa ka faa'iideystey fikrado cusub oo la tacaalaya caqabadaha iyo xaaladaha walaaca leh.

 

Info-Kompass ayaa kafaala qaaday dhacdadan oo gacan ka geysatay.FABIA Luzern ayaa sidoo kale ka qayb qaadatay dhacdadan oo gacan ka geysatay.

 

A.kadar Nuur




bottom of page