top of page

Ururka SIEV oo dabaal daga ciida darteed in ka badan 80 qof geysay xarunta cayaaraha iyo madadaalada ee Connyland

A.kadar

17. Juni 2024

Ururka SIEV oo si fiican ola ciiday Somalida Luzern

16-kii Juun, Ururka Isdhexgalka iyo Horumarinta Soomaaliyeed (SIEV) ayaa soo qabanqaabiyay safar gaar ah oo ay ku tageen beerta madadaalada ee Connyland in ka badan 80 caruur, dhalinyaro iyo waalidiin si ay ugu dabaaldegaan ciida Muslimiinta ee Ciidul Adxaa. Safarkan ayaa ahaa kii ugu horeeyay ee noociisa ah oo ay qaadaan Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolka Lucerne, waxaana uu ku soo dhamaaday guul.


Safarku ma ahayn oo kaliya fursad farxadeed, laakiin sidoo kale wuxuu ahaa tallaabo muhiim ah oo loo qaaday horumarinta is-dhexgalka iyo wadajirka bulshada Soomaaliyeed ee ku nool gobolka Lucerne.

Ka qaybgalayaashu waxay safarkaan waxaa la kulmeen maalin aan qalbiyadooda aysan hilmaami doonin oo ay si buuxda ugu dabaal dageen maalinta weyn ee ciidul Adxaaga ah oo caalamka Islaamka oo dhan si weyn looga damaashaaday.


Mahad gaar ah waxaa uu ururka SIEV u jeedinayaa Rokj Lucerne, oo naga taageertay dhanka gaadiidka ee safarkaan aanu ku tagnay Connyland ayadoo tageeradaas la'aanteed uusan safarkan suuro gal noqon lahayn halka ay Waalidiintu jeebkooda ka bixiyeen lacag qiimo dhimis balaaran lagu sameeyay oo lagu galayay xarunta Connyland ayadoo tasiilaadkii kale iyo fudeynta howshaana uu inteeda kale dhabarka u dhigtay ururka SIEV .

Waxqabadyada noocaan ah ayaa muhiim u ah horumarinta isdhexgalka iyo dhisidda buundooy adag oo u sahlaya Somalida gobolkaan in ay muuqdaan .


Ururka Isdhexgalka iyo Horumarinta Soomaaliyeed ee magaciisa loo soo gaabsho SIEV ayaa qorsheynaya inuu mustaqbalka abaabulo xaflado la mid ah midan si loo sii horumariyo isdhexgalka iyo arimaha taabanaya dhaqanka bulshada Soomaaliyeed ay oga mid noqdaan dadyowga kala duwan ee ku nool gobolkan Luzern ee saamaynta ku leh bulshada kala duwan ee gobolka Lucerne.


ururka SIEV waxaa uu si guud ugu mahadcelinayaa dhamaan waalidiintii ka soo qeybgalay safar farxadeedkan sida ay u ilaaliyeen nidaamka iyo kala danbeynta, waxaa uu ururka SIEV si gaar ah ugu mahadcelinayaa xubnaha ururka ee arintaan ka soo shaqeeyay ee ay ugu horeyso Hodan Cabdi Caziiz, Muse MOHAMED (Ferari) Mustaf Maxamud Ciid Petter Hrusa, Meymuna Maxamud iyo Cabdi Qadar Nuur.





bottom of page